Qaraxyo ka dhacay Magaalada Qudus iyo Booliska Israel oo ka hadlay

    0
    127
    Khamiis November 24 2022 {HMC} Labo qarax ayaa ka dhacay boosteejooyin basaska laga raaco oo ku yaalla duleedka magaalada Quddus, waxaana ku dhintay wiil 16 jir ah, ugu yaraan 14 kalena way ku dhaawacmeen, wax u muuqday weerar ay geysteen mintidiin Falastiini ah, sida ay sheegeen maamulka Israa’iil
    Boolisku waxay ku sheegeen in qaraxa hore uu ahaa bam la soo diyaariyay oo la dhigay meel u dhow halka magaalada looga baxo. qaraxa labaad ayaa 30 daqiiqo ka dib ka dhacay Isgoys basaska laga raaco
    “Weerar la soo agaasimay oo sidan oo kale ah kama dhicin Jerusalem sannado badan,” ayuu afhayeenka booliiska Eli Levi u sheegay Raadiyaha ciidamada
    Qalabkan ayaa lagu soo dhex qariyay boorsooyin, laga soo buuxiyay masaamiir waxayna u muuqdeen kuwo meel fog laga hagayey oo lagu qarxiyay taleefoonka gacanta, sida ay sheegtay Idaacada Kan
    Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinayay xilliga uu dhacay qaraxa koowaad iyadoo uuro lama filaan ah ay ka kacayso goobta baska laga raaco. Goobta oo ay go’doomiyeen kooxaha gurmadka deg degga ah, ayaa waxaa ka dhacay burbur xoogan
    Gaadiidka Ambalaasta ayaa sheegay in 12 qof oo dhaawac ah loo qaaday qaraxa koowaad halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen. Wiil 16 jir ah oo u dhashay dalka Canada balse heysta dhalashada Israel ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray
    Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Canada ayaa cambaareeyay weerarada. “Argagixisadu waa dhamaad aan waxba qaban,” Safaaradda Mareykanka ayaa ku tiri Twitter-ka.