Ku dhawaad 10-ruux ayuu sheegay Qunsulka inay ku dhinteen duqeynta ay ciidamada isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ay ka fuliyeen xaafadaha Basaatiin iyo Xerada Al-Qaraj oo ka tirsan dalkaasi Yemen.
Marka laga soo tago dadkani Soomaaliyeed ee duqeynta ku dhintay sidoo kale,waxaa jira Shacabka kale oo iyagu ku dhibaateysan dalkaasi kuwaasi oo u baahan in loo gurmado si looga soo saaro cabsida iyo wal walka isbiirsaday ee ay ku nool yihiin.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda waxay ku jirtaa dadaal ku aadan sidii Shacabka Soomaaliyeed ee daruufaha kala duwan dalka Yemen ku heysto loogu gurman lahaa,waxaana jira daad gureynta socoto.