Waxaa Qori-tuurka loo Sameeyay Wareegyada loogu soo baxayo Cayaaraha kama Dambeysta ah ee Koobka Adduunka ee Sannadka 2018-ka ka dhacaya Dalka Ruushka.
Soomaaliya ayaa noqotay magacii ugu horreeyay ee laga soo saaro dheriga Waraaquhu ku jireen, markii ay bilaabatay soo xulidda kooxaha Africa ka soo baxaya oo loo tartamayo.
Weeraryahanka Reer Cameroon, Samuel Eto’o, iyo goolyahihii hore ee qaranka Ruushka, Rinat Dasaev, ayaa bilaabeen inay soo bixiyaan waraaqaha magacyadu ku qoran yihiin.
Koonfurta Suudaan ayaa markii ugu horreysay kaalinteeda Qaadatay iyadoo ah dal madax-bannaan.
Isku aadka Afrika waxaa ka mid ah: Soomaaliya waxay la ciyaari doontaa Niger oo middii badisaa ay qaabili doonta dalka Cameroon.
Angola iyo South Africa waa ay Wada Ciyaari doonaan. Chad iyo Sierra Leone tii badisa waxay u tegaysaa Masar. Comoros iyo Lesotho middii badisa waxay la ciyaareysaa Ghana. Djibouti iyo Swaziland tii badisa waxay u tegaysaa Nigeria. Liberia iyo Guinea-Bissau tii adkaata waxay la ciyaareysaa Ivory Coast. Tanzania iyo Malawi tii badisa waxay is-arkayaan Algeriya.
KOOXAHA YURUB:
Ingiriiska waxay isku aaddan yihiin cadawgii hore ee Scotland. Labada kooxoodba waxay kaloo iska hor imanayaan dalalka Slovakia, Slovenia, Lithuania iyo Malta oo ay ku wada jiraan groub-ka F.
Jarmalka oo ah Horyaalka Adduunka waxay isku aaddan yihiin Jamhuuriyadda Czech, Woqooyiga Ireland, Norway, Azerbaijan iyo San Marino.
Faransiiska oo sanadkii 1998 qaaday koobka adduunka waxay isku beegan yihiin dalka Netherlands oo saddex jeer soo gaaray ciyaarta kama dambaysta ah iyo dalka Sweden.
Waxaa kaloo iska hor imanaya kooxaha Talyaaniga iyo Spain oo hore ugu kala guulaystay Koobka Adduunka. Waxayna isku Gurrub yihiin Albania, Macedonia, Liechtenstein iyo Israel.
Qorituurka kahor, madaxweynaha Russia, Vladimir Putin, ayaa masraxa la soo istaagay guddoomiyaha FIFA ee shaqada ka tei doona, Sepp Blatter.