Manchester City ayaa si layab leh liiska tababaryaaasha ay dooneyso iney ku badasho macalinka cadaadiska uu saaran yahay ee Manuel Pellegrini kusoo dartay Rafael Benitez oo qudhiisa qarka u saaran inuu ka hayaamo Napoli.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League-ga ayaa dooneysa iney qandaraas hal sano ah la gasho Rafael Benitez si uu kooxda u maamulo iyadoo damacsan in sanad kadib ay Etihad keento Pep Guardiola oo markaas ay u dhamaan doonton qandaraaska uu kula jiro Bayern .
Benitez oo ah macalin soo leyliyay kooxaha Liverpool iyo Chelsea waayahiisa tababaranimo ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto EPL-ka isagoo maamuli doona City.
Manchester City ayaa rajeyneysa iney iska ceyriso Manuel Pellegrini marka uu dhamaado xagaagan sida ay ka dhawaajisay Daily Star, waxeyna kooxdaan la kulantay lix guuldaro 9-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Ugu dambeyntii Pep Guardiola ayaa diirada u saarnaa City, balse macalinka reer Spain wuxuu xaqiijiyay inuusan xagaaga soo aadan ka tageynin kooxda ku ciyaarta Allianz Arena.