Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii ay maxkamad ku taal Naples ku heshay dambi ah laaluush inuu siiyay xubin ka tirsan xisbi ka soo horjeeda xisbiga Berlusconi.
Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay Maalqabeenka Berlosconi inuusan waxa maamul ah qaban karin muddo shan sano ah. Silvio Berlusconi oo afar jeer soo qabtay xilka ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Hase yeeshee Berlosconi ayaan xabsi geli doonin sababo la xiriira dhinaca sharciyada dalka Talyaaniga iyadoo dib u eegis lagu sameyn doono bisha November ee sanadkan.
Bilyaneerkan ayaa lagu eedeeyay in uu siiyay lacag gaareysa 3m euros oo u dhiganta 4malyan oo Dollar sanadkii 2006 Sergio De Gregorio oo ka mid ahaa mudanayaasha xisbiga Italy of Values si uu ugu soo wareego xisbiga Berlusconi ee People of Freedom taasina ay ku noqotay dhibaato xukuumadii xilligaa jirtey inay sii nagaato.
Xukuumadii xilligaa jirtey ee uu madaxda ka ahaa Prodi ayaa mudanahas ku biirey xisbiga mucaaradka ah awgii ay sii diciifisay awooda maamulkiisa taasoo ugu dambeyntii keentay in ay burburto xukuumadaas sanadkii 2008.
Doorasho la qabtay kadib burburkaas ayaa waxaa ka faa’ideystey xisbiga Berlusconi isagoo mar saddexaad noqday Ra’iisal Wasaare ilaa iyo sanadki 2011. Mudanaha la laaluushay ayaa qirtey in uu ka qaatay lacagtaas Berlusconi.
Berlosconi ayaa hore maxkamad ugu heshay dambi ah gogol dhaaf inuu la sameeyay gabar jirkeeda ka ganacsata oo aan qaangaar ahayn isagoo ka qaatay racfaan xukunkaas.