fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeRa'iisul Wasaaraha Somaliya oo ka hadlay dhibaatada haysata ciidamada
Array

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ka hadlay dhibaatada haysata ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay Beesha caalamka inay kala kaashanayaan dib u dhiska ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federalka Somaliya.

Dowladda Somaliya waxa ay wada qorshaha ku aadan isku dhafka ciidamada, iyadoo arintaasi ay ka socoto Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid wuxuu sheegay kaalinta ugu weyn ee ku aadan dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Somaliya inay kala Kaashanayaan Beesha caalamka.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa sidoo kale sheegay dhibaatada haysata ciidamada Xooga dalka inay tahay Xeryo la’aan.
Wuxuu sheegay ciidanka hadii aysan haysan Xero ay adag tahay sida dib u dhis loogu sameeyo, muhiimna ay tahay in ciidamada ay helaan Xeryo lagu xareeyo oo tababaro kala duwan lagu siiyo.
Maalin ka hor ayeey aheyd markii Dowlada Mareykanka gaadiid dagaal ay ku wareejisay ciidamada Xooga dalka ee lagu diyaarinaayo Magaalada Kismaayo, gaadiidkaasi oo Dowladda Mareykanka ciidanka Somaliya ay ugu dhiibtay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya.
MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...