fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKARa’isul Wasaare Abiy Axmed oo xal u raadinaya dagaalka ka socda dalka...

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo xal u raadinaya dagaalka ka socda dalka Sudan

Jimco April 28, 2023 {HMC} Dalka Sudan waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee RSF , waxaana labada ciidan ee dagaalamaya kala hoggaaminaya labo jeneraal ee talada dalkaasi isku haya.

Qaar kamid ah madaxda waddamada caalamka ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in xal looga gaaro colaada dalka Sudan, waxaana madaxda qaarkood xiriiro la sameeyeen labada jeneraal ee dagaalku u dhaxeeyo.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaana kamid ah madaxda waddamada doonaya in colaada ka aloosan Sudan si deg deg ah loo joojiyo, waxa uuna Abiy telfoon kula xiriiray labada sargaal ee Jen Abdalfatah Al Burhan iyo Jen Maxamed Dagalo.

Abiy Axmed ayaana kala hadlay labada jeneraal ee dagaalka u dhaxeeyo sidii xal aan xabbad aheyn looga gaari lahaa colaada, waxa uuna ugu baaqay in xabbada joojiyaan oo wadahadal ka galaan dagaalka socda.

Midowga Afrika ayaana wada dedaalo lagu joojinayo dagaalka dhiiga badan ku daadanayo ee ka socda dalka Sudan, waxaana qaar kamid ah madaxda midowga Afrika isku dayayaan in wadahadal u furaan labada jeneraal ee dagaalamaya.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 04/10/2023

0
Arbaco, October -4- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta HiiraanweynWarka waxaa soo jeedinaya: Cabdiraxmaan MuseFarsamadii :Cabdimajiid...