RASMI: Liiska Xiddigaha Liverpool Ee Kulanka Man City Oo La Shaaciyey

0
271

Ciyaartoyda Liverpool ayaa shalay galabtii gaadhay magaalada Manchester si ay waqti nasiimo ugu sii qaataan halkaas ka hor ciyaartooda galabta ay Man City martida ugu noqonayaan Etihad Stadium, waxaanu tababare Jurgen Klopp halkaas la tegay xiddigihiisa oo dhamaystiran iyadoo aanay jirin wax walaac ama walwal gelinaya.

Fabinho oo dhaawac fudud oo madaxa ah uu kasoo gaadhay ciyaartii Salaasadii ee Champions League ee ay Benfica 3-1 ku garaaceen ayaa taam noqday oo tababarka la qaadanayay ciyaartoyda kooxdiisa maalmihii ugu dambeeyey, waxaana uu diyaar u yahay inuu kusoo bilowdo, isaga oo liiska ciyaartoyda kooxdiisa xagga hore ka raacay.

Roberto Firmino ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, hase yeeshee tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey, in weeraryahanka reer Brazil uu taam yahay oo uu ciyaartan diyaar u yahay.

Shir jaraa’id oo uu kusii qabtay magaalada Liverpool ka  hor intii aanay u safrin Manchester ayuu Klopp yidhi: “Markii ugu dambaysay ee aan eegay telefoonkayga caaqilka ‘smartphone’, waxay u muuqanaysay in qof walba uu taam yahay.”

Mohamed Salah, Diogo Jota, Roberto Firmino, Sadio Mane iyo Luis Diaz ayaa dhamaantood iyaga oo taam ah safarka galay, sidoo kalena xiddigaha khadka dhexe ayaanay jirin wax dhibaato ah oo uu Klopp ogyahay oo ka jiraa, waxaanu haystaa tiro ciyaartooyo uu kala doorto.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee u safray magaalada Manchester:

GOolhayeyaal: Adrian, Alisson Becker, Caoimhin Kelleher.

Difaacyahano: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joel Matip, Joe Gomez, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Rhys Williams.

Khadka dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Fabinho, Harvey Elliott, James Milner, Jordan Henderson, Naby Keita, Tyler Morton, Thiago Alcantara.

Weerarka: Diogo Jota, Divock Origi, Luis Diaz, Mohamed Salah, Sadio Mane, Takumi Minamino, Roberto Firmino.