Real Madrid Oo Karbaashtay Chelsea, Benzema Oo Saddexlay Ka Dhaliyey Iyo Stamford Bridge Oo Looga Kacay Karim

0
298

Kooxda difaacanaysa tartanka naadiyada Yurub ee Champions League ee Chelsea ayaa qaladaad dilaa ah samaysay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaanay ogolaadeen in saddex gool si fudud ay Real Madrid kaga dhaliso, isla markaana fursado kale oo dahabi ahaa ay bixiyaan.

Karim Benzema ayaa saddexlay laba ka  mid ah ay madax yihiin saxeexay, waxaana laba ka mid  ah goolashaas u dhexeeyey saddex daqiiqadood oo kaliya, halka Vinicius Junior uu birta garaacay, isla markaana gool furan uu khasaariyey Benzema.

 

Daqiiqaddii koowaad ee ciyaarta ayay Chelsea weerar degdeg ah ku qaadday goolka Real Madrid, waxaana kubbad halis ahayd oo dhinaca midig uu ka soo qaaday Kai Havertz la waayay cid ku qabata goolka Madrid oo uu hortiisa soo mariyey.

Vinicius Junior ayaa ka jawaabay oo kubbad halis ahayd kala soo galay garabka midig, waxaanu lasoo dhaafay difaacyahannada isaga oo goolka hortiisa la yimid, waxaanu laad awood badan dhaafiyey goolhaye Mendy oo kusoo baxay, hase yeeshee nasiib-darro waxay kubaddaasi kaga dhacday birta, waanay dallacantay.

GOOOAAAALLLL!!! Karim Benzema ayaa daqiiqaddii 21aad madax meel fog ah hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa Real Madrid, kaddib markii uu laynka garoonka ka helay kubbad uu Vinicius Junior lugta bidix ugaga soo jabiyey dhinaca bidix.

Karim Benzema ayaa khadka dhexe ka dhiibay kubbad halis ahayd, waxaanu u tuuray Vinicius Junior oo garabka midig orod kaga tegay Cesar Azpilicueta, waxaanu isaga oo hubinaya halka uu Benzema taagan yahay kusoo qaaday lugta bidix, waxaanu madax u saaray Benzema oo isaguna madax awood badan ku dhaafiyey goolhaye Mendy oo ay habeenkii ugu xumayd noloshiisa ahayd.

Real Madrid ayaa culayska kusii kordhisay Chelsea, waxaanay kusoo qaadeen weerar iyaga oo afka hore ku raacayay ciyaarta oo isku dayayay inay difaacyahannada kubadda ka boobaan.

GOOOAAAALLLL!!! Real Madrid 2-0 Chelsea!!!! Saddex daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Karim Benzema in uu kooxdiisa hoggaanka usii dheereeyo, waxaana kubbad uu Luka Modric kasoo qaaday dhinaca midig uu ku qabtay madax, waxaanu ku hubsaday shabaqa.

Stamford Bridge ayaa aamusay oo qaylada joojiyey, waxaana afka is qabtay taageereyaasha tirada badnaa ee garoonka fadhiyey, halka tiradii yarayd ee Real Madrid ee joogtay garoonku ay qaylo iyo sawaxan isla oogsadeen.

Intaas kaddib ayay Real Madrid dib u fadhiisatay si ay u ilaashato goolasha ay dhalisay, waxaanay taasi fursad u noqotay Chelsea oo la wareegtay gacan ku haynta kubadda isla markaana weerarro aan joogsi lahayn kusoo qaadday.

Kai Havertz ayaa dalbaday in loo dhigo rikoodhe markii uu Casemiro ku riday xerada ganaaxa, hase yeeshee garsooraha reer France ee Turpin ayaa u sheegay inuu meesha iskaga kaco oo uu kubadda ciyaaro, mana jirin VAR soo dhex-gashay oo dooddiisa wax ka qabatay.

Dhamaadka qaybta hore oo ay afar daqiiqadood  ka hadhsan yihiin ayay Chelsea niyaddu usoo noqotay, waxaana ciyaarta kusoo celiyey Kai Havertz oo madax awood badan ugu dhaliyey goolka madiga ah ee ay ciyaarta ka heleen, kaddib markii uu baas fiican ka helay Jorginho.

Thomas Tuchel ayaa waqtigii nasashada saaray Andreas Christensen iyo N’Golo Kante oo ay ciyaartu ka jeedday, waxaana uu soo geliyey Mateo Kovacic iyo Hakim Ziyech si ay weerarka u xoojiyaan oo ay goolal u keenaan.

GOOOAAAALLLL!!! Real Madrid 3-1 Chelsea!!!! Nasiib-darro kale ayaa ku dhacday Chelsea, waxaana daqiiqaddii labaad ee qaybta labaad laga dhaliyey goolka saddexaad, kaddib qalad dilaa ah oo uu sameeyey goolhaye Edouard Mendy, waxaana kubbad uu u dhiibayay Antonio Rudiger dhexdooda ka qaatay Karim Benzema oo shabaqa ku hubsaday.

Xiddiga reer France ayaa xaqiijistay saddexlay qurux badan, waana ciyaartii labaad ee xidhiidh ah ee uu saddexlay dhaliyo, sidan oo kale ayaanu PSG saddex gool uga soo dhaliyey ciyaartii Santiago Bernabeu ee lugta labaad ee wareeggii 16ka.

Chelsea ayaa uu usoo galay Romelu Lukaku qaybtii labaad, waxaana uu u dhowaaday inuu shabaqa ku hubsado kubbad madax ahayd oo aanay cidina cidhiidhi ku hayn taas oo waxyar uu dhinaca ka mariyey birta.

Hakim Ziyech ayaa dhamaadkii isaguna fursad fiican ka khasaariyey kooxdiisa, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Real Madrid oo marti ahayd.

Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa lagaga naxsaday waddanka Spain, waxaana 1-0 ku garaacday Villarreal oo kusii shaqaysatay garoonkeeda ka hor inta aan la tegin Allianz Arena.

Gool madi ah oo daqiiqaddii siddeedaad uu dhaliyey Arnaut Danjuma ayaa Villarreal ka caawiyey inay hesho guul aanay dadka badankiisu saadaalinayn, waxaana sidoo kale Villarreal laga diiday gool labaad oo uu u dhaliyey Francis Coquelin.

Salaasada usbuuca dambe ayaa la ciyaarii doonaa kulamada labaad ee wareegga siddeedda, waxaana la ciyaari doonaa iyadoo aanay wax nasasho ah gelin kooxahani.