Kooxda Real Madrid ayaa markale hogaanka u haysa kooxaha ugu qanisan ama ugu hantida badan kubbada cagta caalamka. Los Blancos ayaa sii xejisatay hogaanka ay kooxaha kubbada cagta aduunka uhaysay, waxayna markale liiska kooxaha ugu hantida badan ee Forbes kaga jirtaa kaalinta 1aad.
Real Madrid ayaa hantideeda lagu qiimeeyay 2.13 bilyan doolar, halka kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona ku jirto kaalinta labaad.Barcelona ayaa hantideeda lagu qiimeeyay 2.07 bilyan doolar.
Kooxaha ree Spain ayaana ah hadda kooxaha ugu hantida badan kooxaha kubbada cagta aduunka sida lagu cadeeyay warbixinta dhaqaale ee ay soo saartay Forbes, waxayna qiimayntani ku salaysan tahay muddii lagu jiray sanakan 2015 oo ay afar bilood dhamaadeen.