Rooble Oo Kulan La Qaatay Guddiyada Doorashooyinka

0
258

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan arrimaha doorashooyinka dalka ka socoda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha uu kulanka la qaatay faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.