Talada 20 March 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay hindise-sharciyeedyada uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu tilmaamay in dalka ay muhiim u yihiin shuruucdaas.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in sharciyada uu saxiixay Madaxweynaha ay kaabayaal xoojinaya ay u yihiin Amniga & dhaqaalaha oo ah labo meel oo muhiim u ah Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka 1aad ee XFS.
“Marka laga reebo waxyar, Shuruucdani waxa ay kaabayaal u yihiin Amniga & Dhaqaalaha Dalka, qaarkood waxa ay aasaas u yihiin Amniga, qaarkoodna waxa ay aasaas u yihiin dib u habeynta dhaqaalaha & deyn cafinta aynu fileyno in uu ilaahey naga dulqaado insha allaah, haddii aysan jiri lahayn dedaal intaas isku dartay oo qof weliba qaybta uu lahaa Xukuumadda, Golaha Shacabka & Aqalka Sare haddii aysan sameyn lahayn mas’uuliyaddaas in lagu ansixiyo muddo kooban 11 sharci oo qaarkood yaallay 9 sano” RW Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barrre ayaa sheegay in shuruucdaan ay heendaab adag oo sharci ah u noqonayaan Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan Bangiyada si aanay loogu xadgubin waa sida uu hadalka u dhigay.
“Shuruucdaan waxa ay ilaalinayaan oo xeendaab adag u xiranayaan dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, Ganacsatada oo ay ugu horreeyaan bangiyada oo waxa ay ka ilaalinayaan oo xeendaab adag u xiraya in lagu soo xadgudbo iyada oo aan lagu xadgudbi karin” ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.