Friday, June 2, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSaddex Qof Oo Qarax Ugu Geeriyooday Kabul Kadib Markii.....
Array

Saddex Qof Oo Qarax Ugu Geeriyooday Kabul Kadib Markii…..

Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu qarxiyay kolonyo baabuur ah oo ay leeyihiin millitari ajaanib ah, waxaana ku geeriyooday saddex ruuux oo ay ka mid yihiin labo gabdhood oo yaryar.

Ku dhawaad labaatan ruux oo kale oo saddex ka mid ah ay ajaaniib yihiin ayaa ku dhaawacantay.

Kolanyadu waxay maraysay caasimadda Afghanistan qaraxuna waxa uu ka dhacay meel u dhaw marin laga galo garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Marinkaas waxaa iticmaala gawaadhida millitariga ajaaniibta ah oo kali ah.

Saddex maalmood ka hor rag hubaysan ayaa dilay afar iyo toban ruux oo ay ku jiraan sagaal ajaaniib ah oo daganaa huteel ku yaala Kabul.

 

MUQAALADA

WARARKA