Safiirka cusub ee dowladda Australia u soo magacowday Soomaaliya John Feakes iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ,iyadoo amniga magaaladana aad loo adkeeyay.
Waxaa mas’uulkan safarkiisa ku wehliya xubno sar-sare oo ka socday dowladaha Swedan, Netherland iyo waliba Ingiriiska ,waxaana ay shir albaabadu u xiran-yihiin la qaateen madaxwenaha iyo saraakiil ka tirsan dowladda.
Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dowladda Australia Mr.John Feakes ayaa isna sheegay in kulamadii uu la qaatay madaxweynaha looga hadlay arimo ku aadan la dagaalanka argagaxisada iyo in la kordhiyo xiriirka u dhaxeeya dowladda Australia iyo Somaaliya.
Ugu danbayn ,madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in meel gabo gabo ah ay marayaan mashaariic Midowga Yurub uu taageerayo oo ka socda Puntland waxaana uu tilmaamay in uu jiro qorshe amniga lagu xoojinayo oo ay taagerayso dowladda Australia.