Koox hubeysan oo ka tirsan ururka Talibanta Pakistan ayaa xalay xilli saq dhexe ah weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada cirka dalka Pakistan ku leeyihiin meel u dhaw magaalada Pishawar.
Wararku waxay sheegayaan weerarkaas oo saacado badan socday inay ku naf waayeen ciidamo ka tirsan military,ga Pakistan .
Afhayeen dawlada u hadlay ayaa sheegay in saldhiga la weeraray oo la yiraahdo Badabeer oo ay degen yihiin saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada cirka Pakistan inay dileen 5 ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.
Afhayeenkaan oo la yiraahdo Caasim Bajwa waxaa uu sheegay in dhankooda ay 2 ka askari kaga geeriyooday weerarkii xalay.