fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeSaldhigyo Mareykanka ka sameystay Kismaayo & Maamulka Jubba oo xaqiijiyay
Array

Saldhigyo Mareykanka ka sameystay Kismaayo & Maamulka Jubba oo xaqiijiyay

Mareykanka ayaa saldhigyo ciidankiisa ka howlgalaan ku leh qaar kamid ah wadamada bariga qaarada Africa, waxaana lagu qiyaasaayaa in ciidamada Mareykanka ee saldhigyo ku leeyihiin 150 wadan.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah saldhigyada Mareykanka ku leeyahay meel ka baxsan dalkaasi sida laga soo xigtay xubno ka tirsan wasaarada difaaca ee dalka Mareykanka, oo arintaasi ka hadlay.
War dhawaan lagu daabacay wargeyska Siyaasada Dibada ee Foreign Policy ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu saldhiig weyn ka sameystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Afartii sano ee lasoo dhaafay wasaada difaaca Mareykanka ayaa sheeganeysay weeraro kala duwan oo ka dhacday dalka Soomaaliya, kuwaasi oo badankood laga soo abaabulay dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia.
C/qani Cabdi Jaamac wasiirka madaxtooyada maamulka kMG ah ee Jubba ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka saldhig ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayna joogaan ciidamo American ah.
“Waxay saldhig ku leeyihiin halkaan Kismaayo, waxaana ku sugan 40 askari oo American ah oo saldhiga ka sameystay Kismaayo, waxay heystaan Drone, waxay leeyihiin tababar, wax badan ayay heystaan, argagixisada ayay la dagaalamayaan”ayuu yiri wasiirka madaxtooyada maamulka Jubba.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanka uu saldhig kale ku leeyahay garoonka Balidogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaaasi oo saraakiil AMISOM ka tirsan laga xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ku sugan yihiin deegaankaasi.

kismaayo

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah Maamulka Somaliland

0
Arbaco, October -4- 2023-{HMC}  – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada...