Munaasabada si heer sare ah loo soo agaasiimay islamarkan loogu dabal dagayay sanad guuradii labad ee Radio Hiiraanweyn ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan.
Munaasabada ayaa wax ka qeyb galay Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Somaaliya mamulka Radio hiiraanweyn shaqaalaha aqoonyahano qurbo joog odayaal waxgarad haween ururka dhalinyarada gobolka hiiraan bahda Saxaafada gobolka iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha warbaahinta Radio Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaran oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in mudadi labada Sano ee ay jirta warbaahinta Hiiraanweyn aya wax badan ka qabtay horumarinta Bulshada ka qeyb qaadashada mashaariicda ka Socota magalada Baladweyne
”’Idaacada hiiraanweyn wax badan ayay qabatay mudii ay jira wax ka mid ah ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada bulshada sida idaacada oo qabatay tartan aqooneed bishii ramadaan iyo saddex iyo toban mashaariic oo ka socota magaalada Baladeweyne oo idaacada ay ka qab qatay”ayuu yiri Gudoomiyaha Warbaahinta Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaran.
Sido kale Gudoomiyaha warbaahinta Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaran ayaa sheegay in ay wadan qorsha la doonayo in degmooyinka gobolka hiiraan laga furo idaacada hiiraanweyn. maadaama hada ay ka furan tahay magalada Baladweyne oo kaliya.
Xildhibaan daahir Xasan cabdi oo ka mid ah dadkii ka qeyb galay munaasabada loogu dabaal dagayo sanad Guuraadii labaad ee ka soo wareegatay markii la Aas Aasay Radio Hiiraanweyn aya hamblayo u diray dhamaan maamulka iyo shaqaalaha idaacada Hiiraan isago sheegay in Radio Hiiraanweyn ay tahay mid kaliya ee ka qeyb qaadata horumarinta bulshada ku nool gobolka hiiraan.
Idacada hiiraanweyn magaalada Baladweyne aya maanta u dabal dagtay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii la Aas Aasay sanndkii 2013 iyadoo sanndka 2016 la rajeynayo in Guud ahaan degmooyinka Gobolka hiiraan laga furo Radio Hiiraanweyn.
Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa Wariye Cali Cismaan kaskey uu noqday wariyihii ugu wanaagsanaa sanadka Warbaahinta Hiiraanweyn waxaana la gudoonsiyay shahaado Sharaf
Radio Hiiraanweyn Baladweyne
Maxamed Cabdi Saney.
Radio Hiiraanweyn.Baledweyne
Comments are closed.