spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {SAWIRRO} Guddiga Farsamo oo hergeliya Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo tagay xeebaha...

{SAWIRRO} Guddiga Farsamo oo hergeliya Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo tagay xeebaha Owdal

0
111

isniin-11-March,-2024-{HMC} Guddida farsamo ee maamulka Somaliland u qaabilsan hir-gelinta heshiiska isfaham (MOU) ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa safar ku tagay xeebta galbeed ee Somaliland iyo qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Awdal.

Guddiga Farsamada heshiiska Isfaham, ayaa safar waxa ay ku tageen magaalada Lughaya oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin, iyagoo la kulmay odayaasha iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay la yeesheen xog-waraysi.

Waxa ay guddiga qiimeyn ku sameenayeen goobaha ay u arki karaan in badda Soomaaliya laga siin karo Itoobiya, waxa ayna dadka ay la kulmeen u sharaxayeen faa’iidooyin ay sheegayeen in ay ugu jirto heshiiska iyo in Ethopia la siiyo qeybo kamid ah xeebaha dalka.

Sidoo kale, guddidu waxay shalay booqdeen magaalooyinka Boorama iyo Dila ee Gobolka Awdal, halkaas oo ay kulamo kula qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi.

Guddiga ayaa dadka ay la kulmeen warbixinno ka siiyeen hawsha shaqadooda ee la xiriirta heshiiskii isfaham ee 1dii January 2024 dhexmaray Somaliland iyo dawladda Itoobiya iyo sida dhakooda uga go’an tahay hir-gelinta heshiiskaasi oo si weyn loo diidan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here