Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSheekh Abdul-Aziz ibn Abdullah oo Jawaab ku haboon Dowlada Iran siiyay
Array

Sheekh Abdul-Aziz ibn Abdullah oo Jawaab ku haboon Dowlada Iran siiyay

Muftiga ugu weyn dalka Sacuudiga Sheekh Abdul-Aziz ibn Abdullah Al Shaykh, ayaa sheegay wixii Khamiistii ka dhacay Xajka inay ahayd qaddar Alle, oo aan la celin karin.

Muftiga waxa uu sheegay in Shilkaasi uu ahaa mid aan sabab u aheyn Dowlada Sacuudiga ama dad gaar ah, balse loo baahan yahay in Umadda Muslimiinta ah ay ku cibraqaatan awooda alle.

Sheekh Abdul-Aziz ibn Abdullah Al Shaykh ayaa sheegay in shilkaasi oo ay ku dhinteen 717 ruux, kuna dhaawacmeen 863 kale, aan lagu eedayn karin Dowlada Sacuudiga, islamarkaana uu ahaa mid aanay waxba ka qaban karin bani’aadamka.

Sheekh C/casiis Bin C/lla ayaa hadalkiisa ku daray in wax walba oo Alle amarkii ku dhici lahaa aysan jirin cid celin karta, sidaa awgeed aysan habboonayn in Mas’uuliyada arrintan aan dusha laga saari karin cid gaar ah.

Sheekha waxa kaloo uu beeniyay wararka sheegaya in isbuurashadii ka dhacday Mina uu sababteedu lahaa Amir Muhammad bin Naif, ka dib markii isaga loo xiray wado ay mari laheyd Xujeydu.

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga oo ah mas’uulka dhanka Arrimaha xajka u Qaabilsan Saudi Arabia uu mas’uul ka ahaa shilkii ka dhacay Xajka ee ay ku geeriyoodeen boqolaalka xujeyda ah.

Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku sheegay hadal uu warbaahinta dalkiisa siiyay in 131-qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay Xajka ay u dhasheen dalkooda, isagoo mas’uulyadda shilkaas dusha uga tuurtay mas’uuliyiinta Saudi Arabia.

7 qof oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqotay 717 Xujeyda ah ee Khamiistii ku dhimatay shilka ka dhacay Mina, oo 5km u jirtay Magaalada Makka.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY