Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSheekh Xasan Turki Oo Geeriyooday
Array

Sheekh Xasan Turki Oo Geeriyooday

Wararka ka imaanaya gobalka Jubada Dhexe Oo ay Heleyso Radio Hiiraanweyn ayaa sheegaya in halkaasi uu ku geeriyooday Sheekh Xasan Turki oo ka mid ahaa aas aasayaashii Xarakada Al-shabaab, iyo sidoo kale ururo kale oo islaami ah.

Sheekha ayaa mudooyinkii ugu dambeyay la sheegay in uu ku xanuunsanayay deegaanka Hargeysa Yareey oo ku dhaw degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.

Geerida Sheekh Xasan Turki Waxaa xaqiijiyay Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere, balse ma aanu shaacin xanuunka uu u dhintay Sheekha.

Xasan Turki ayaa ku dhashay deegaanka Qabri Dahar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana Laba jeer uu tagay dalka Afgaanistaan, isaga oo halkaasi kula soo kulmay Hogaamiyahii Al-qaacidda ee la dilay Osama Bin Laden.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY