Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka Furmaya Shir wada Xaajood ah oo lagu dhex dhaxaadinayo Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka,waxaana ka qeyb galaya Sida la Xaqiijiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada iska soo horjeeda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Shalay war Qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in maanta oo ah 7 October uu shirkaasi wada Xaajoodka ah ka furmayo Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka ayaa sheegay in Kulanka maanta uu qabsoomi doono islamarkaana la gor feyn doono kala Aragti duwanaanta Xildhibaanada si horay loogu sii socdo.