fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeSiyaasi ay Walaalo yihiin George W. Bush oo ku dhawaaqay inuu yahay...
Array

Siyaasi ay Walaalo yihiin George W. Bush oo ku dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxweyne

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Florida ee Mareykanka, Jeb Bush ayaa shaaciyay inuu ka Qaybgalayo madaxtinimada dalkiisa, isagoo ah Murashax ka socda xisbiga Jamhuuriga.

Jeb Bush ayay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W. Bush, iyadoo sidoo kale uu Abbaabhood George Bush isuagna madaxweyne ka noqday Sanadihii Sagaashameeyadii dalka Mareykanka.

“Haddii xilka Madaxnimo la ii doorto Waxaana wacad ku marayaa inaan Mareykanka ku hago waddada horumarka, waayo dalku wuxuu hadda ku socdaan waddo xun,” ayuu yiri Jeb Bush.

Sidoo kale, Murashaxa ka socda Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa wuxuu ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay inay kula taliyeen inuu tartanka madaxnimo ee Mareykanka ka qaybgalo Aabbihiis iyo Walaalkiis.

Bush ayaa dhaliilay Wuxuu ugu yeeray Siyaasiyiinta Carruurta ah ee Washington, isagoo sheegay in Madaxweynaha Xiga ay Tahay inuu u isku Diyaariyo bedelidda Dhaqammada siyaasadeed ee ka jira Caasimadda Mareykanka.

“Qorshahayga waxaa ka mid ah inaan Mareykanka ka dhigo awood dhaqaale oo caalamka ugu xoog badan,” ayuu ku yiri hadalkiisa Jeb Bush oo wacad ku maray inuu Mareykanka kusoo duwi doono waddada hagaagsan.

Ugu dambeyn, Jeb Bush ayaa Noqonaya Musharraxii 11-aad ee doonaya inuu ku Tartamo Xisbiga Jamhuuriga ah, Waxaana Aragtida dadka ay Muujinaysaa in aanu jirin Musharax ugu cad-cad dhamaantood.

Former Fla. Gov. Jeb Bush talks about the major overhaul of Florida's public education system during his eight years in office, at the state Capitol in Oklahoma City, Wednesday, Aug. 11, 2010. (AP Photo/Sue Ogrocki)

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...