Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSoomaaliland oo ka noqotay go'aankii Qaxootiga ay ku diiday inay Berbera ka...
Array

Soomaaliland oo ka noqotay go’aankii Qaxootiga ay ku diiday inay Berbera ka degaan

Xukuumadda Soomaaliland, ayaa dib uga noqotay go’aankii ay gaartay todobaadkii hore ee ku saabsanaa in Qaxootiga Yemen kasoo cararaya aysan kasoo degi karin Dekada Magaalada Berbera.Shir jaraa’id oo maanta si wadajir ah ay u qabteen Wasiirada Arimaha Gudaha Wasiirka Dib u dejinta, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Wasiir ku xigenka Wasaarada Arimaha Bulshada ayaa hadalkaan lagu shaaciyay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaalilan Cali Maxamed Waran Cadde oo ugu horeyn Saxaafadda, la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliland ay dib u fasaxday in Qaxootiga ay kasoo degaan dekada Magaalada Berbera.

Wasiirka, ayaa sheegay in Arintani ay kala hadleen masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha UNHCR iyo IOM, ayna isla garteen in Qaxootiga ay soo degaan, kadibna loo ambabaxiyo dhulka ay kasoo jeedaan.

Wasiirka Wasaarada Dib u dejinta Soomaaliland Cali Siciid Reygal, ayaa tilmaamay in Soomaaliland ay soo dhaweynayso kadibna loo ambabixin doono deeganada ay kasoo jeedaan.

Yemen oo ay ka socdaan dagaalo culus oo saameyay dad badan oo Soomaali ah ayaa dadkaan waxa ay u soo baxsanayaan dalkooda, waxaana intooda badan ay kasoo degeen dekada Magaalada Boosaaso, halka qaar kale oo badan ay kasoo degeen Dekada Magaalada Berbera.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY