Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daneyneysa inay kamid noqoto ururka sharci dajinta Bariga Afrika ee Eest African Legislative Assemply.
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay afhayeenka ururka sharci dejinta Bariga Afrika Daniel Kidega ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in xubno ka tirsan sharci dejinta ay usoo dirto kulanka dambe ee ay yeelanayaan xubnaha Sharci dejinta Bariga Afrika, si ay uga faa’ideystaan habka uu u shaqeeyo ururka.
Wuxuu tilmaamay in baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu diiradda saarayo saddex arrin oo kala ah dhammeystirka dastuurka, hirgelinta nimdaamka federaalka ah iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Afhayeenka ururka sharci dejinta Bariga Afrika Daniel Kidega ayaa sheegay in ururka Bariga Afrika ee EAC uu daneynayo xal waara oo ay gaarto Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2012-kii gudbisatay codsi ku aaddan xubinnimada ururka Bariga Afrika ee EAC, taasoo ilaa iyo hadda aanan la aqbalin.