Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir Cusub u magacowday dalka Ruushka, diblomaasigii ugu horreeyay ee dalka Geeska Africa uu u diray Midowgii Soviet in ka badan 25 sano oo dalka oo Soomaaliya ay ku jirtay burbur iyo dagaallo.
Abdullahi Mohamud Warsame(Cadde Duqow) Madaxii hore ee qaybta farsadamada iyo Adde Duqow, Madaxii hore ee farsadama iyo Ganacsiga Kuleejkii Macallimiinta Soomaaliya, ayaa booskaas loo magacaabay kaas oo banaanaa illaa 1991-dii, markii dagaal oogeyaal ay xukunkii ka tuureen Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Safiirkaan Cusub oo wax ku soo bartay dalka Ruushka ayaa sidoo kale soo noqday Agaasimaha UNDP ee Soomaaliya, waxaana loo arkaa inuu yahay nin khibrad u leh dalalka Soomaaliya iyo ruushka oo horay xulufo u ahaan jiray, kana shaqayn kara danaha labada dhinac.
Soomaaliya oo kasoo kabanaysa dagaallo sokeeya ayaa xoogga saaraysa sidii ay dib ugu soo celin lahayd Xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalalka Caalamka labadii sano ee ugu dambaysay, taas oo ay suurto gashay in dib loosoo celiyey Xiriirkii Diblomaasiyadeed tiro dhowr dal ah.
Dalka Ruushka ayaa mudadii daganaansho la’aanta iyo colaaduhu ka jireen Soomaaliya, waxay deeqo waxbarasho siisay boqolaal arday Soomaaliyeed ah, sidoo kale ruushaka ayaa lagu xusuustaa inuu door weyn oo muhiim ah ku lahaa dhismihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya 1970-kii, iyadoo saraakiil badan o milatariga Soomaaliya ka tirsanaa dalka Ruushka lagu soo tababaray.
Ugu dambayntii Safiirkaan cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u magacowday dalka Ruushka ayaa lagu wadaa inuu sii xoojiyo Xiriirka labada, dhinac sidoo kalena Dowladda Ruushka uu ka dhaadhiciyo noocyada Taageerada Soomaaliya uga baahan tahay inay gacaheeda isku taagayso.