Taliyaha ciidanka xooga Gn.Odawaa Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb

    0
    JIMCO September 23, 2022 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb
    Taliye Odawaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka sino-dhaqo oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac
    Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu dhaliyey khasaaro oo Al-shabaab uga dileen 10 xubnood, sidoo kalena laga burburiyey meelihii ay ku sugnaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo aan sheegin khasaaraha dhankooda gaaray
    Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa xusay in Ciidanka dowladda ka war heleen in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo iyo Labidulle ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb joogaan Al-shabaab sidaas darteedna weerar ay ku qaadeen
    Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galmudug ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al-shabaa, waxaana Goboladaas ka dhacay dagaal culus oo dhaliyey khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

     

    SHARE