Booliska Jermalka ayaa waxa ay joojiyeen tartan baaskiil oo caalami ah oo la filayay in maanta uu ka dhaco Frankfurt, sababtana waxa lagu sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in weerar argagaxiso uu ka dhaco goobta.
Labo qof oo lamaana ah ayaa la xiray khamiistii, kaddib markii guri ay daganaayeen laga helay qoryo,bam iyo walxa qarxa.
Booliska ayaa tuhunsan in labadaasi lamaane ay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan goobta ay xirfadlayaasha baaskiilada ku tartamayaan, oo ah goob ay isugu yimaadaan marka tartan la qabanyo dad aad u badan oo ka kala yimaada caalamka oo dhan.
Ninkan la xiray oo xiriir la leh kooxda Daacish, ayaa dhowr jeer lagu arkay wadada uu tartanka ka dhacayo.
Ilaa hadda lama oga in labada lamaane ay keligood ahaayeen ama ay ka mid yihiin unugyo aragagaxiso.