Khamiis 25, Sep 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan ciidanka Israa|l ayaa u sheegay wargeyska Israel Hayom in toddobaadyo ka hor ay ku dhawaadeen Turkiga iyo Israa|l inuu dhex maro isku dhac hawada ah , markii diyaarad dagaal oo Israa|l ah ay ku dhawaatay diyaaraddo dagaal oo Turki ah oo ku jiray hawada Dalka Suuriya.
Duuliyayaasha Dowladda Turkiga ayaa ku hanjabeen inay soo ridayaan diyaaradda Israa|l haddii aysan dib u laaban, taa oo uga dambeyntii isaga baxday hawada Wadanka Suuriya.






