Turkiga oo qorsheynaayo in uu ku biiro isbahaysiga difaac ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Pakistan.

0
23

Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa sheegtay in Turkigu uu wado dadaallo uu kaga mid noqonayo isbahaysiga difaaca ee u dhexeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Pakistan.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay horumar istiraatiiji ah oo sare, taasoo sii xoojinaysa awoodda amni ee Sucuudiga isla markaana dhisaysa dhidib difaac oo cusub.

Sida warbixintu tilmaamayso, isbahaysigan cusub wuxuu ku dhisan yahay mabda’a ah in weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah xubnaha loo aqoonsan doono halis wadajir ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa muujinaya in heshiiska ku saabsan ku biiritaanka Turkiga uu marayo marxaladihii ugu dambeeyay, isla markaana la filayo in si rasmi ah loo dhammeystiro waqti dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here