Militariga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 293 Gabdho ah kuwaas oo lagu haystay Waqooyiga bari ee dalkaasi.
Boko Haram ayaa sanad ka hor afduubtay gabdho iskuuley ahaa, arintaas oo dalka Nageria iyo Caalamka ku noqotay naxdin iyo lama filaan, dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ku baaqay in gabdhahaas ay raadinayaa.
Afhayeenka ciidamada Nigeria ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay in afar xero oo kooxdu ku lahayd qabsadeen
Dowladaha dariska ee galbeedka Afrika iyo ciidamada dalka Nigeria waxa ay dib u qabsadeen deegaanadii ay Boko Haram ka talisay