FBI-da Mareykanka ayaa u dhacay guryo ay degenaayeen Soomaali oo ku yaala Gobolka Minnesota, halkaasoo ay ka qab qabteen dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay u safraan dalka Suuriya, si ay ugu biiraan Al-Shabaab.
Dhalinyarada Soomaalida la qabtay oo gaaraya lix ruux ayaa lagu soo oogay dawacad ah inay taageero maadi ah siiyaan Urur Argagixiso iyo isku daygooda ay ku doonayeen inay ku biiraan una safraan Suuriya.
Hooyada dhashay labo ka mid ah lixda wiil oo lagu magacaabo Ayaan Mohamed Faarax ayaa sheegtay in dhibaatooyin ay la kulmeen, iyadoo xustay in FBI-da ay guryahooda ugu soo galeen, kadibna ay mid ka mid ah wiilasheeda ka wateen guriga.
Lixda wiil ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Mohamed Farah, Adnan Farah, Abdirahman Daud, Guled Omar, Hanad Musse iyo Zakaria Abdurahman.
War ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota ayaa lagu sheegay in raggan dhalinyarada ah ay xiriir la lahaayeen nin lagu magacaabo Cabdi Nuur, kaasoo la sheegay in dhalinyarada uu tashkiiliyo, dabadeedna ay ku biiraan Daacish ama ISIS.
Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay inay doonayeen inay ka dhoofaan garoomada diyaaradaha ee San Diego iyo New York, balse Heyāaddaha Ammaanka ay ka hor-joogsadeen inay u dhoofaan Suuriya.
Xeer ilaaliyaha Gobolka, Andrew M. Luger ayaa sheegay in xitaa iyadoo la hor joogsaday raggan inay safraan ayey hadana isku dayeen siyaabo kale oo ay dalka kaga dhoofaan.
Gobolka Minnesotta oo ah gobolka Soomaalida ugu badan Mareykanka ay ku nooshahay ayaa horey waxaa uga tagay dhalinyaro badan oo ku biiray Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo ISIS ee ka howlgala dalalka Ciraaq iyo Suuriya