Maxkamad Malitari oo ku taalo magaalada kismaayo ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisey 7-ka tirsan ciidamada oo maxkamadi ku heshay danbi ah inay inay shalay galab dileen laba qof oo shacab ah.
Xukunka toogashay ayaa ka dhacay xeebta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Maxkamada Malitari ee xukunka askartaan ku fulisay ayaa sheegtay in 7-askari lagu helay iney dileen Labo Qof oo rayid oo ka mid ahaa Qurba joogta dhawaan tagay Kismaayo.
Askarta wax dilay ayaa ka mid ahaa maamulka Jubba Land u madaxda ka yahay Axmed Madoobe.
Saddex askari oo kale oo ka mid ahaa askarta lagu eedeeyay dilka ayaa maxkamaddu waxay ku xukuntay 3 sanno oo xarig ah.
Askarta ayaa dilka geystay saacado ka dib markii shalay qarax lala eegtay xero ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta maamulka Jubba Land.