QM ay ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in sideed boqol oo qof ay dhinteen markii dooni la ciirciiraysay muhaajiriin ay ku dagtay xeebaha Liibiya axaddii.
Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa la hadashay qaar ka mid ah kuwii ka badbaaday masiibadaasi oo ku sugan jasiirada Siisili.
Midowga Yurub ayaa soo saaray qorshe 10 qodob ka kooban oo la doonayo in wax looga qabto mashaqada dadka muhaajiriinta, taasoo jawaab u noqonaysa dhibaatooyinkii ugu dambeeyey ee keenay in baddaas ay ku dhintaan boqollaal qof. Haweeneyda hogaamisa siyaasadda arrimaha dibadda ee midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa waxay sheegtay in talaabooyin dheeraad ah la qaadi karo si loo joojiyo dadka la soo tahriibiyo.
Waxay kaloo sheegtay in la xoojin doono hawlaha samatabixinta iyo baadigoobka, ayadoo lala kaashanayo hay’adda midowga yurub u qaabilsan soohdimaha