Wixii ka dambeeyey markii foodada ay gashay Yemen,waxaa wadankaasi iskugu tagay dhamaan Ururada xagjiriinta ah sida Daacish,Ururka Al-qaeada faraca Jaziirada Carabta waxaana sii dheer Xuutiyiinta oo Taagero ka helaya Iran oo intoodiba u socda in ay maamulaan wadankaasi Yemen.
Balse Al-qaacida Jaziirada Carabta ayaa xaaladeeda ka badalan marka loo eego Ururada kale waayo waxa ay damacsan yihiin in ay kasoo talaaban biyaha Soomaaliya kuna soo biiraan Xarakada Al-shabaab balse markii ay dagalamayaal ka tirsan Daacish ay gaareen Yemen ayaa waxaa dhashay khilaafad ku aadan in Soomaaliya la yimaado Al-shababna lagu biiro iyo damacaasi oo meesha laga saaro lana garab istaago kooxda Daacish.
Khilaafkan ayaa dhashay markii duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay hogaamiyaha Al-qaacida ee Jaziirada Carabta Nasir Al-waxiishi abuu Basiir bishii June.
Marka loo eego wadciga kala qeybsanaanta Al-qacida dhex deeda ka taagan ayaa fursada furan waxa ay tahay in Soomaaliya ay yimaadaan Al-qaacida Jaziirada Carabta,Qaarkood waxa ay doonayan in Al-shabaab lagu biiro waxana ay aminsan yihiin in uusan wax boos ah uga banaaneen hogaaminta dagaalka Yemen sidaasi waxa qabada quburo dhinaca gobolka.
Markii la dilay Al-waxiishi lana dhaariyay Qasim Al qiimi inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee Al-qaacida Yemen waxaa la badiyay ka doodida xiriirka lala sameyn karo Xarakada Al-shabaab taas oo Rimi ku noqotay imtixaan wayn oo aad u adag sidii uu u mamuli lahaa Ururkaasi iyo isagoo eegaya xiriirka Al-qaacida iyo Al-shabaab.
Waa waji cusub oo kala qeybsanaan kala soo dhex gashay Al-qacaida Jaziirada Carabta sidii gacan loo waydiinsan laha Al-shabaab iyadoo ay ku socoto duqeynta cirka ah ee Mareykanka ku haayo saldhigyada ay kuleeyihiin dalka Yemen