spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeAl Shabaab oo sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal Ethiopian ah
Array

Al Shabaab oo sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal Ethiopian ah

Fagaro ku yaallo Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, shalay galab waxaa lagu soo bandhigay Sarkaal Al Shabaab ay sheegeen inuu yahay Ethiopian oo uu kasoo goostay ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobolka Baay.

Sarkaalkaan waxaa la sheegay inuu iska soo dhiibay Degmada Qansaxdheere ee Gobolkaasi uuna isku soo dhiibay ciidan Shabaab ah oo meel 10-KM u jirta Qansaxdheere ku sugnaa.
Waxaa la geeyay shalay Degmada Diinsoor halkaasi oo dadweyne badan loogu soo bandhigay, sidoo kalena Fagaaraha lagu soo bandhigay ayuu Diinta Islaamka ku qaatay Sarkaalkaasi.
Al Shabaab ayaa sheegay inuu yahay Sarkaalkaan kii ugu horeeyay ee dhanka Shabaab ku biira, tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay ka mid noqdeen howlgalka Amisom.
Amisom weli kama aysan hadlin Sarkaalkaan dhanka Shabaab isku soo dhiibay ee ciidamadooda ka goostay.
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular