spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeAl-Shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan Gobolka Gedo
Array

Al-Shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan Gobolka Gedo

Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa weeraray deegaan lagu magacaabo Garile oo ka tirsan Gobolka Gedo, kuna dhow xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo ay ku dileen Taliyihiin deegaanka.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa sidoo kale Al-Shabaab waxay ku gubeen illaa saddex gaari, iyadoo iska hor imaad kooban uu halkaas ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Taliyaha ku dhintay weerarkaas uu ku dhintay xabadihii u horeeyay ciidamo ku sugnaa fariisimo ay ku lahaayeen agagaarka deegaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ka faa’ideysteen ciidamo badan oo aan ku sugneyn deegaanka Gariley, isla markaana inta badan ciidamadii dowladda ay aadeen dhinaca Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamo u direen deegaanka, si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaanka Gariley, waxaana uu xusay in ciidamada ay iska difaaci doonaan hadii mar kale Al-Shabaab soo weeraraan deegaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, isla markaana ay dishay taliyihii deegaanka Gariley, ayna mid ka mid ah baabuurtii tiil soo qaadatay, labo ay gubeen.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular