Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa siweyn loo adkeyay Amaankeda maadaama loo diyaar garoobayo doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka cusub ee Galmudug.
Gudoomiyaha Cadaado, C/llaahi C/raxmaan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Amniga guud ee degmada gacanta ay gacanta ku hayaan, sidaas oo ay tahayna lasii adkeeyay ammaanka, si looga hortago wax walba oo ammaan-xumo ah.
Geesta kale, guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale xusay inay marti-gelinayso degmada dhismaha maamulka Galmudug oo haatan meel gabagabo ah maraya, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen sidii xubnaha ku sugan degmada Cadaado ay nabadgalyo ugu dhameysan lahaayeen howshooda.
Degmada Cadaado ayaa waxaa ka socda ololayaal ay sameynayaan xubnaha u taagan xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Waxaana sidoo kale magaalada ku xarran sawirro iyo hal ku dhigyo ay sameysteen musharraxiinta.
Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in degmada Cadaado lagu qabto doorashooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, iyadoo xilligan ay u taagan yihiin dhowr murashax.