Saddex Askari oo ka Tirsan Ciidanka ka socda Uganda ka socda ee ka tirsan AMISOM ayaa lagu helay dil Toddoba ruux oo shacab ah bishii hore loogu Geystay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose, Sida Maanta Shaaciyay Ergayga Midowga Afrika Arrimaha Somalia, Danjire Maman S. Sidikou.
Danjire Sidikou ayaa ka raalli-geliyay ehelladii dadkii shacabka ahaa ee Marko lagu dilay, Maman S. Sidikou, AMISOM ayaa horay u diidday inay dad Shacab ah ku dileen Marko, balse waxay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan eedeymaha loosoo jeediyay qaar ka mid ah ciidamadooda ku sugan Marko.
Hay’adda u doodad Xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa Warbixin ay todobaadkan baahisay ku Sheegtay in Ciidamada AMISOM ay Dad Shacab ah ku dileen Guri ay Xaflad Aroos ka socotay, iyagoo ugu baaqay AMISOM inay baaraan dhacdadaas.
Goob-joogayaal ah ayaa iyaguna Sheegay in Ciidamada AMISOM ay Toogasho ku dileen Toddoba ruux oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jireen afar wiil oo walaalo ah iyo aabbahood, kaddib markii bambaano lagu weeraray ciidamada AMISOM.
Maman Sidikou ayaa Jimcaha maanta ah xaqiijiyay in ciidamadoodu ay toogasho ku dileen toddoba qof oo shacab ah. Wuxuuna yiri. “Waxaanu ogaanay in Toddoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Magaalada Marko kaddib markii ciidamadeena la weeraray.”
“Waxaan jecelahay anigoo ku hadlaya Magaca Ururka Midowga Afrika in ehellada dadka ku geeriyooday dhacadaas aan u dirno raalli-gelin, waana mid aanu si aad ah uga xunnahay dhimashada dadkaas rayidka ah,” ayuu mar kale yiri Sidikou.
Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo AMISOM ayaa Waxaa lagu sheegay in saddex askari oo ciidamadooda ka tirsan lagu helay dhacdadaas Dilka ah, ayna Sugayaan in Maxkamad lasoo taago.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Somalia ka howlgalayay tan iyo sannadkii 2007-kii, waxaana dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay dhacdooyin la xiriira dilal ay shacab ugu geysteen deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.
Ugu dambeyn, Danjire Maman Sidikou ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay ka Howlgalaan deegaanno ay xaaladdoodu adag tahay, isagoo hoosta ka xariiqay in howlgallada ay dadka Soomaaliyeed ku caawinayaan sii wadi doonaan, lana ilaalin doono sidii Shacabka aysan waxyeello u soo gaari lahayn.