Digreeto kasoo baxday 20-kii bishan Xafiiska Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Rashadii Cali Sharmaarke ayaa lagu magcaaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda .
Nuqul kamid ah Digreetadan oon helnay ayaa loogu magacaaby Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow in uu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda , waxa uuna masuulkan horey u ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha oo dhawaan laga qaaday.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay isbadalo lagu sameenayo xoghayaasha joogtada iyo agaasimayaasha Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumada Soomaaliya ,kuwaa oo in mudo ah aan wax isbadalo ah lagu sameyn.