spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeArsenal Oo Guul Dhib Badan Ka Gaartay Burnley Kuna Dhawaatay Hogaanka Horyaalka
Array

Arsenal Oo Guul Dhib Badan Ka Gaartay Burnley Kuna Dhawaatay Hogaanka Horyaalka

Ramsey

Gool uu dhaliyay Aaron Ramsey ayaa ka dhigay in Arsenal ay guul muhiim ah ka gaarto Burnley waana guushii 8-deedaad oo xiriir ah, waana rikoor, sidoo kalana hogaanka ayey u jirsatay afar dhibcood xili Blues ay laba kulan gacanta ku heysato.

Arsenal ayaa si qurux badan ku bilowday ciyaarta inkastoo ay marti aheyd, waxaase jiray sawaxan sare oo ay jamaahiirta Burnley muujinayeen marka ay ciyaartoyda Arsenal kubada gacanta ku dhigaan.

Aaron Ramsey ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta, markii uu si awood leh u dhameestiray kubad dhowr jeer ay iska difaaceen Burnley, Sanchez, Ozil iyo Cazorla ayaana markii hore ku fashilmay balse xidiga reer Wales meel halis ah ayuu kubada shabaqa ka galiyay.

Kieran Trippier ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Burnley daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta markii uu laad xor ah ku tuuray goolka Arsenal, David Ospina ayaana si fiican u badbaadiyay.

Arsenal ayaa markeeda heshay laad xor ah daqiiqadii 26-aad markii uu kubad gacanta ku taabtay Duff, Santi Cazorla ayaana si qurux badan u laaday inkastoo uu u dhawaaday goolka hadana ma haleelin.

 

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Arsenal, balse markii la isku soo laabtay Arsenal ayaa halkeeda ka bilowday cadaadiskii ay ku heysay goolka Burnley.

Ashley Burnes ayaa laba jeer keenay karoos qatar ah oo halis galiyay goolka Arsenal, balse goolhaye David Ospina ayaa si qurux badan u badbaadiyay.

Alexis Sanchez ayaa tiigsaday goolka Burnley kadib markii uu kubad ka tuuran meel ka baxsan goolka balse goolhaye  Tom Heaton ayaa si habsami leh u qabsaday.

Ben Mee ayaa si qurux badan kusoo dhaafay Hector Bellerin, isagoo kubad qatar ah goolka soo dhex dhigay, Boyd ayaa u dhawaaday inuu goolka kubad aadiyo balse uma suuragalin kubad halis badan ayeyna aheyd.

Burnley ayaa awood soo yeelatay iyadoo si qurux badan u weerartay goolka Arsenal, waxeyna raadineysay gool barbardhac ah, Danny Ings ayaana si qurux badan kubad qalaama rogaal ah goolka ula beegsaday balse goolhaye Ospina ayaa kala dagay daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta.

Danny Welbeck ayaa helay fursad qatar ah oo uu hogaanka ugu dheereyn karay kooxdiisa, balse kubad tabar yar oo uu goolka ku riday ma suuragalin iney goolka aado, daafaca Burnley ayaana kubada iska saaray.

Burnley ayaa heshay fursad ay gool barbaro ah ku heli kareen, balse uma noqon iney sidaas sameeyaan, Arsenal ayaana ugu dambeyntii guul ku gaartay 1-0.

Guushaan ay gaartay Arsenal waxey ka dhigan tahay iney kaalinta labaad xajisatay isla markaana ay afar dhibcood u jirsadeen hogaanka horyaalka walow Blues ay laba kulan heysato.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular