spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeAskari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo si xun u dilay Xaaskiisa oo...
Array

Askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo si xun u dilay Xaaskiisa oo Uur laheed

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in xalay Xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar uu askari katirsan Ciidanka Dowlada ku dilay xaaskiisa oo uur laheed.

Askariga iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay murmeen kadibna uu rasaas la dhacay sidaasna ay ku geeriyootay, waxaana askariga uu dilka kadib goobta ka baxsaday inkastoo uu saakay si iskiis ah isaga dhiibay Saldhiga booliiska Jowhar.

Gabadha la dilay oo lagu Magacaabi jiray Faadumo Cabdulaahi Cali ayaa la sheegay in askariga dilka u geestay oo isna lagu magacaabo Maxamed Cali Jungal ay u dhashay 7-caruur ah oo sadax kamid ah ay geeriyoodeen, waxa ayna hada u heysay afar caruur ah .

Aabaa dhalay haweeneda la dilay ayaa sheegay in aysan wali ogeyn sababta uu askarigan u dilay xasakiisa, waxa uuna intaa raaciyay in uu xiran yahay askarigii dilka geestay sidoo kale ay maanta aaseen Gabadhiisa.

Ma ahan markii ugu horeesay oo askari katirsan Ciidanka Dowlada uu dil u geesto xaaskiisa oo muran soo kala dhax galay, waxaana marar kala duwan Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ka dhacay askar dilal u geestay xaasaskooda.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular