Wasiirka warfaafinnta gadiidka cirka iyo dhulka ee Maamulka Jubba-land C,nuur Cali aadan ayaa ka warbixiyay Cafis loo Fadiyay qaar Kamid ah Maxaabista ku xiran xabsiga ku yaala Magaalada Kismaayo EE Gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha Maamulka Jubba axmed maxamed islaam axmed Madoowe ayaa Maxaabistaan cafiska u fidiyay Maanta oo Khamiis isagoona sheegay in uu u sameeyay Tobanka dambe ee Bisha Ramadaan oo Lagu jiro.
Wasiirka warfaafinnta gadiidka cirka iyo dhulka ee Maamulka Jubba-land C,nuur Cali aadan ayaa sidoo kale Tilmaamay in dhawaan xabsiga laga sii deyn doono Maxaabista Ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Xabsiyada Magaalada Kismaayo waxaa ku xiran Maxaabis aad u fara badan kuwaa oo lagu eedeenaayo Falal amniga lidi ku ah iyo dilal ay geysteen.