spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeBaarlamaanka maamulka Puntland oo dood ka yeelanaya arimaha Federaalka
Array

Baarlamaanka maamulka Puntland oo dood ka yeelanaya arimaha Federaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland oo kalfadhigoodii 35 uga socdo xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Garowe ayaa waxaa ay ka doodayaan arimaha federalka,dastuuurka iyo gudiyada uu dhawaa ansixiyey Baarlamaanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Puntland ayaa maalintii isniinta loo qeybiyay nuqulo ay ku qoran yihiin hishiisyadii ay wada galeen dowladda federalka iyo dowlada Puntland iyo sidoo kale dastuurka KM ah ee wax ka badalka lagu sameeyey.

Dooda Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo kulul ayaa socon doonto mudo seddex cisho ah,waxaana soo xaadiray inta badan xildhibaanada Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mudada sadexda Maalmood ah ee ay doodu socoto waxaa ay si qoto dheer u falan qaynayaan waxyaabaha laga badalay dastuurka iyo Heshiisyadii ay galeen dowlada federalka iyo Puntland waxaana marka ay doodu dhamaato go,aan laga gaari doonaa mustaqbalka danbe ee Puntland kaga aadan arimaha federalka.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular