Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu go’aan kama dambeys ka gaaro mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba, kaasoo saddex jeer oo hore u baaqday in cod loo qaado, kadib markii tiradii loogu tala galay ay soo xaadiri weyday.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta mooshinkaas cod loo qaadayo, isla markaana ay rajeynayaan in kooramka uu buuxsamo.
“Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 6 june waxaa jira kulanka baarlamaanka, ajandahaha wuxuu ka kooban yahay sida la socotaa waxaa golaha dhex yaalay mooshin laga soo dooday, lana sugayo in loo codeeyo, mana suura gelin sababo kooramka loogu tala galay oo aan la helin mooshinka maamulka Jubba”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in 139 ay tahay tirada rasmiga ah loogu codeyn karo mooshinka, ayna lagama maarmaan tahay inay xaadirto noqoto tiradaas, isagoo xusay in marka uu Baarlamaanka kooramka ku furmo la tirin doono, marka ay timaado cod u qaadista mooshinka Xildhibaanada goobta ku sugan.
Illaa saddex jeer oo hore ayuu u baaqday mooshinkan oo ay ku kala qeybsan yihiin Xildhibaanada in cod loo qaado, waxaana la ogeyn go’aanka kama dambeysta ah ee uu qaadan doono Guddoonka Baarlamaanka, hadii ay mar kale dhacdo in kooramka uu buuxsami waayo.
Maamulka Jubba ayaa ku hanjabay haddii Xildhibaanada ay meel mariyaan mooshinkaas inuu xiriirka u jarayo dowladda Federaalka, iyadoo dhowaan Kismaayo uu tagay Ra’iisul Wasaaraha, kalana hadlay arrimahaas iyo sidii loo xalin lahaa cabashooyinka taagan.
Dhinaca kale waxaa Baarlamaanka loo qeybin doonaa qoraalka xeerka saxaafada oo ay horay u ansixiyeen Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in xeerka saxaafada uu maanta hor-geeyo Baarlamaanka Wasiirka Warfaafinta.