spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeBan Ki-moon oo ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalada dalka Yemen
Array

Ban Ki-moon oo ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalada dalka Yemen

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay qeybaha ku diriraya dalka Yemen inay miiska wadahadalada isugu yimaadaan si loo joojiyo colaadka ka jirta wadanka Yemen.

Ban Ki-moon ayaa sheegay in uu ugu baaqayo wadamada gobolka oo idil in aysan danahooda gaarka ah oo kaliya ka fiirin dalka Yemen isagoo xusay in dunida aysan u baahnayn in markale ay aragto dhibaatooyinka ka taagan wadamada Libya iyo Syria.

Sidoo kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada uu hardanka u dhexeeyo ee dalka Yemen ka codsaday in u oggolaadaan gargaarka degdega ah in la gaarsiiyo shacabka ku nool dalka Yemen.

Hay’ada u qaabilsan Qaramada Midoobay Caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in dad gaaraya 643 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo maleeshiyaadka dagaalamayay ay dhinteen halka dad kale oo tiradoodu kor u dhaafeyso 2,200 ay dhaawacmeen.

Qoysas tobanaan kun ah ayaa sidoo kale ku barakacay dagaalada waxana ay WHO ka digtey xaalada dalka Yemen inay noqoto mid halis ah. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku tilmaamay xalka kaliya inuu yahay miiska wadahadalada ay garwadeenka ka tahay QM la isugu yimaado.

Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Yemen ayaa sheegaya in dagaalyahanada Xuutiyiinta oo taageero ka helaya maleeshiyaad daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdullah Saleh in ay gudaha u galeen magaalada Ataq oo xarunta u ah gobolka Shabwa ee Bariga dalka Yemen.

Dadka ku sugan magaaladaas ayaa laga soo xigtey in madaxda qabaa’ilka iyo saraakiisha ciidamada ay u fududeeyeen mucaaradka Xuutiyiinta inay galaan Ataq iyagoo la wareegay xafiisyada dowlada iyo xarumaha ciidamada.

Waa markii ugu horeysay ee ay Xuutiyiintu iyo isbahaysigooda ay galaan magaaladan kuna soo dhowaadaan deegaanada qaniga ah, waxayna haatan u jiraan 160km oo kaliya halka laga soo saaro gaaska dabiiciga ah ee Belhaf iyo marinka laga dhoofiyo ee loogu gudbiyo Arabian Sea.

Isbahaysiga ay horkacayso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay weeraro dhinaca cirka ah ku haysay mucaaradka Xuutiyiintan hase ahaatee Xuutiyiinta ayaa ku sii fidaya deegaano hor leh oo ka tirsan dalka Yemen.

Dhinaca kale waxaa isbalaarin ka wada dalka Yemen ururka Alqaacida waxaana subaxnimadii khamiista dadka ku nool magaalada al-Siddah ee bartamaha dalka Yemen ku waabariisteen iyadoo calamada ay caanka ku yihiin Alqaacida ka babanayaan xafiisyada iyo xarumaha dowlada.

Koox daacad u ah alqaacida oo uu horkacayo Ma’mour al-Hakam ayaa habeenimadii la wareegtay magaalada, waxayna dadka ku nool degmadaas ay sheegeen in Xuutiyiinta oo inkabadan labo bilood ka talinayay degmadaas ay isaga baxeen magaalada iyagoo aan wax iska caabin ah sameyn.

Xoghayaha gaashaandhigga dowlada Maraykanka ayaa hore u sheegey in ururka Alqaacida uu ka faa’ideysanayo colaada ka jirta dalka Yemen taasoo u dhexeysa xooggaga mucaaradka iyo dowlada Yemen. Waxana Maraykanka uu sheegay in uu siinayo hub casri ah boqortoyada Sacudi Carabiya iyo huwanteeda si ay u caawiyaan ciidamada daacada u ah madaxweyne Alhadi.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular