Waxaa sii kordhay dibadbaxyada ka jira dalka Burundi waxana lagu soo waramaya in Bas lagu gubay xaafad ku taalla duleedka caasimada Burundi ee Bujumbura iyada oo mudaaharaadyadii dalkaasi ay soo cusboonaadeen.
Kanyosha, waxay ahayd meeshii ay ka dhaceen dibadbaxyadii ugu badnaa tan iyo markii madaxweyne Pierra Nkurunzia uu shaaciyay in uu u tartami doono xilka madaxtinimada ee dalkaasi markii seddaxaad.
Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlay qaybo kale oo ka mid ah magaalada Bujumbura iyada oo dibadbaxayal caraysan ay gubayaan taayiro ama jidgooyooyin dhigaya wadooyinka.
Pierra Nkurunzia, waxaa saaran cadaadis caalami ah oo lagaga dalbanayo in uusan markale is sharaxin, laakiin arrintaas ma uusan aqbalin.
Wuxuu ku doodayaa in uu xaq u leeyahay in uu tartamo mar kale maadaama markiisii koobaad ay baarlamaanku doorteen oo aysan dadku soo dooranin.