Ra’iisul Wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, ayaa sheegay in ay xirnaan doonaan bangiyada iyo suuqyada lagu kala iibsado saamiyada ee dalkiisa, iyo in la soo rogi doono hab lagu xakameynayo raasu maalka.
khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Tsipras waxa uu ku eedeeyay Bangiga Dhexe ee Yurub inuu ku hadidayo go’aanka uu bangigaasi qaatay ee ah in aan mudada loo kordhin maalgelinta degdega ah ee Giriigga.
Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in go’aanka uu ka soo horjeedo dhaqanka Yurub, isagoo ku baaqay in la is dejiyo, ayaanan sheegin muddada uu xiritaanka bangiyada socon doono, hasayeeshee waxa uu dadka u xaqiijiyay in lacagaha ay ku kaydsadeen bangiyada, mushaarkooda iyo lacagaha howlgabka ay badqabaan.