spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeBooliska Kenya oo gacanta ku Haya rag lala xiriiriyay Al-shabaab
Array

Booliska Kenya oo gacanta ku Haya rag lala xiriiriyay Al-shabaab

Labadaan nin oo la sheegay inay u dhasheen dalka Uganda,ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Kooxda islaamiga ee ka jirta Geeska Africa shaqaalana u ahaayeen.

Booliska Kenya ee la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada,ayaa fasax ku aadan in xabsiga lagu sii haayo Labadan nin ee Ugandheska ah ka helay Qaadiga Maxkamada Kenya,waxayna garsoorayaasha isku raaceen in Booliska la siiyo 30-maalmood dheeraad ah si baaritaan y ugu sameeyaan.

Labada Tuhunsane ayaa lala xiriiriyay inay ku luglahayeen arimo ay ka mid yihiin in dad looga shaqaaleysiiyo Kooxda Islaamiyiinta dalalka Uganda, Kenya and Tanzania,sida uu yiri Ezekiel Luley. Oo ka mid ah Sarkaal Booliska Kenya ka tirsan.

Asan Kasingye,oo madaxa ciidamada Booliska Interpol Uganda, ayaa sheegay in Tuhmanayaasha ay yihiin walaalo in badan Aabahooda uu ka cataaway xarigooda.

Dhalinyaro badan oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore lagu xiray dalka Kenya kuwaasi oo qaarkood Maxkamad sugayaal ah halka kuwa kale horay loo maxkamadeeyay.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular