spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeBoqolaal falastiiniyiin ah oo kasoo qeybgashay aas
Array

Boqolaal falastiiniyiin ah oo kasoo qeybgashay aas

Boqolaal qof oo falastiiniyiin ayaa ka qaybgalay aas Daanta Galbeed loogu sameeyay nin Falastiini ah oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray dab la qabad siiyay gurigiisa waxaa ka sii horeeyay wiilkiisa oo 18 bilood jir ahaa oo isla maalinkaasi geeriyoday.

Xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo afar sana jir ah ayaa hase yeeshee wali ku jira cisbitaalka oo xaaladoodana la sheegay in ay liidato.

Gurigooda oo ku yaala Daanta Galbeed ayaa isbuucii la soo dhaafay ay yuhuud xag jir ah soo wareertay.

Rasilwasaraha Isra’aail Beyamin Nitanyahu, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagaxiso.

Sarkaal reer Falastin ayaa sheegay in Israa’iiliyiinta dagan deegaanada laga haysto Falastiniyiinta ee Daanta Galbeed ay maanta gubeen guri kale oo reer Falastiin ah balse aysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular