spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeBoqrtooyada Sacuudiga oo xaqiijisay in uu geeriyooday Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casiis
Array

Boqrtooyada Sacuudiga oo xaqiijisay in uu geeriyooday Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casiis

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu xaqiijiyay in uu geeriyooday Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casiis oo kamid ahaa lataliyaasha Boqorka Sacduudiga , sidoo kale horey xilal kala duwan uga soo qabtay Boqortooyada.

Masuul katirsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casiis uu geeriyooday maalintii shalay oo talaado aheed, lamana shaacin waxyaabaha sababay geerida ku timid Amiirkan oo kamid ahaa dadka magaca ku leh Sacuudiga.

Meydka Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casiis ayaa la sheegay in caawa Salaada Janaasada lagula dukan doono Xaramka xilia Salaada Cisho, waxaana Salaada Janaasada kasoo qeyb gali doono AMmiiro iyo madax sare oo katirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Amiirka Geeriyooday ayaa Da’diisu aheed 82-sano jir waxa uuna Boqortooyada Sacuudiga kasoo qabtay xilal kala duwan ay ku jirto Wasaarada Arimaha Gudaha, waxa uuna hada kamid ahaa Lataliyaasha Boqorka Sauudiga.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular